Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan sadex nin oo ku hubeysan qoryaha Ak47 ay weerar ku qaaday Madaarka Ataturk oo ah kan ugu mashquulka badan dalkaasi Turkiga, waxayna labo kamid ah isku qarxiyeen gudaha Airporka.
Nin sadexaad oo isaguna hubeysan ayey rasaas iswedaarsadeen ciidamada amaanka, kaasi ayaa isaguna is qarxiyey kadib markii ay dhaawaceen ciidamada Amaanka sida ka muuqata muuqaalka ay duubeen kamerooyinka illaalada Airporka.
Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 147 qof, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay sii kororto.
Dhamaan duulimaadyadii kasoo degi lahaa Madaarkan ayaa loo weeciyey Airpor kale, waxaa sidoo kale la joojiyey duulimaadyadii ka duulilahaa halkaasi illaa habeenka Arbacada.
Comments are closed