MAQAAL: Waa Ayo Ciidanka Booliska Gaarka ah (Liyuu Boolisku)

Muqtar JIGJIGA 29/06/2016

Waxaan qoraalkan diirada ku saarayaa halka uu ka soo unkamay ciidanka booliska gaar ah ee dawlada deegaanka soomalida itoobiya,(Liyuu Booliska), ujeedada loo aas aasay, nidaamka lagu soo xulay iyo waxqabadka ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.
Waxay qoraalkaygan ujeedadiisu tahay ka dib markaan arkay qoraalo lagu soo daabacay qaarka mid ah mareegaha wararka (websiteyada) oo ka hadlaya ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI(liyuu booliska) qoraaladaasi oo xad gudub ku ah shuruucaha warbaahinta iyo shuruucaha lagu aas aasay ciidanka booliska gaarka ah.
Haddaba xaqiiqdu waxa ay tahay, ka dib markii la soo afjaray dhibaatooyinkii soo daashaday qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya ee xoogag ay hogaaminayaan Ururka EPRDF xukunka ka tureen maamulkii kalidii taliyihii dhergiga sanadkii 1983 EC. ayaa waxaa dalka ka curtay neecaw dimuqraadiyadeed, horumarineed, kobcin nabadeed/ xasilooni iyo maamul wanaag. Taasi oo ay ka faa’idaysteen deegaanada kale ee dalka itoobiya marka laga reebo deegaanka soomalida itoobiya.
Waxaana sal u ahaa dib u dhacaasi ku yimiday deegaanka soomaalid itoobiya ururo N/diid ah oo xiligaasi ka bilaabmay deegaanka islamarkaana sababay ama geystay taxadiyo badan oo dhan ka binu-aadamka ah, kuwaasi oo ka abuuray deegaanka somalida itoobiya nidaam daro lumisay sharcigii iyo kala danbayntii dawladnimo. Ururadaasi waxaa ka mid ahaa ururkii nabadiid ka ahaa ee UBBO, oo dhibaatooyin dhinac kasta leh u gaystay shacabka DDSI. dhibaatooyinkaasi uu ururkii UBBO gaadhsiiyay shacabka deegaanka maahayn mid u gaar ah Gobolo gaar ah ee waxay ahayd. mid dhamaanba saamaysay bulshada DDSI maadaama oo ay wiiqday nidaamkii dawliga ahaa ee shacabka lagu gaadhsiin lahaa horumarka iyo xasilooni waarta.
Waxaa xaqiiq ah in ururkii UBBO uu shacabka DDSI u geysatay dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin , taas oo ay shacabka ka qubtay ilmo iyo oohin aad u badan oo sababtay in shacabku uu si wadar ah iyo gooni gooni ah uu ilaahay uga baryay in UBBO ka qabto oo uu ka tirtiro deegaanka helaanna n/galyo iyo horumar waara, maamul saxar tiran , waxaanan odhankarnaa ilaahay ayaa shacabka DDSI u qabalay baryadoodii shacabka dhibanaha ahaa maadaama oo si muuqata loo arko calaamado muujinaya cabashadooda.
Waxaa hubaal ah in markii ay hogaaminta XDSHSI iyo hogaaminta xukumada DDSI ay soo galeen dhalinyaro si dhab ah uga damqanaysa dhibka iyo dib u dhaca shacabka ay sameeyeen qorshihii lagu tirtirilahaa UBBO loona sugi lahaa amniga iyo xasiloonida deegaanka si loo gaadho deegaanada hore u maray ee dalka itoobiya intiisa kale.
Qorshahaas waxa kamid ahaa in la abuuro ciidanka boolis ah oo si gaarka ah u tababaran, kaas oo ahaa ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI (Liyuu Booliska). Haddaba waxa dufcadii ugu horaysay la aas aasay sanadkii 2008 G.C iyada oo laga soo kala xulay ciidankaasi dhamaanba tuulooyinka, degmooyinka iyo gobolada DDSI taasina waxay kuu cadaynaysaa in ayna ku salaysnayn xulashadoodu Gobolo gaar ah ama qabiil gaar ah toona. Balse uu yahay ciidan ka soo dhexbaxay dhamaanba shacabka DDSI.

 

Waxayna, ahayd ujeedada loo aas aasya in ay xasiliyaan amniga deegaanka oo xiligaasi aad u cakirayd kana difaacaan shacabka DDSI nabad diidka xiligaasi ka jiray deegaanka oo uu ka mid ahaa UBBO, iyo wixii la halmaalla sidoo kalena ay u jilib-dhigaan qul-qulatooyinka amnidaro ee xooggaga argagixisada caalamiga ah sida alshabaab (alqushaash) iyo cidkastoo isku dayda in ay khal-khal galiso gabi ahaanba amniga deegaanka iyo kan dalka itoobiya.
Haddaba dufcadii ugu horaysay ee ciidanka gaarka ah (liyuu booliska) waxay guul wayn ka soo haysay xasiloonida nabadgalayada deegaanka si wadaninimo iyo daacadnimo leh u hawl-galeen isla markaana ay sugeen amniga deegaanka, kana talaabo qaadeen dhiigyo-cabkii UBBO ee dhibaatooyinka badan ku hay jiray shacabka deegaanka.
Waxaana hubaal ah in abuuridii iyo hawlgalinta ciidankan loo soo maray dhibaato iyo halgan dhanwalba ah. Xukuumada DDSI ayaa wixii intaasi ka danbeeyay sii xoojisay tababarada, tirada iyo tayaynta ciidanka booliska gaarka ah maadaamo oo ay shacabka DDSI heleen midhii nabadgalo ee ka dhashay aas aaskii ciidanka booliska gaarka ah iyada oo dufcad kasta oo tababar loo xeraynayo markasta laga soo xulo ilaa hada dhamaanba Tuulooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada DDSI.
Haddaba ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI (liyuu Boolis) waa ciidan ka soo dhexbaxay dhamaanba shacabka DDSI waa ciidan shacab, waa ciidan ka abuurmay ilmadii iy oohintii shacabka DDSI, waa ciidanka sobobay ILAAHAY ka sokow in ay maanta DDSI ka hirgasho nabadgalyo waarta iyo horumar ka balaadhan ee xawliga ku socda, waa ciidan wacad ku maray in ay shacabka DDSI ka ilaaliyaan waxkasta oo xagal daac ku keenaya horumarkood iyo xasiloonida amniga. Kana qayb-qaataan xasilinta nabadgalayda wamada dariska.
Ciidanka gaarka DDSI (liyu boolis) wuxuu leeyahay tababar ciidan oo heer kiisuna lamid yahay kan milatariga dalka itoobiya, wuxuu leeyahay daraja ciiddanimo ilaa heer janaraal (General), wuxuu leeyahay shuruucaha ciidanka qaranka, wuxuu leeyahay kala dambayn, anshax, kala amar qaadasho, is tixgalin, adkaysi, hawlgaladda ciidannimo jiritaan iyo ilaalinta saraynta sharciga (rule of law). Ilaalinta shuruucda caalamiga sida xuquudda aas aasiga ee muwaadin kasta leeyahay iyo xuquuqul insaanka sida maxbuus dagaal la dhaqan kiisa.
13563443_898064016987198_1341033165_nUgu dabayntii Saxaafadda iyo warbaahint waxaan leeyahay maadaama ay yihiin wax u adeegaya dadweynaha waa inay ahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo ayna ku xadgudbin xeerarka dawlada, xuquuqaha muwaadiniinta iyo hay’addaha toona. warbaahinta wanaagsan waa tan bulshada ugu yeedha jidka horumarka, nabadgalyada iyo asluubta wanaagsan, kana waanisa bulshada wixii waxyeelaynaya madax banaanidooda, nabadgalyada iyo midnimada bulshada kana dhawrsanaato faafinta warar beenta ah iyo dayaacadaha wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida, midnimada dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshadda.

      Qore Mukhtaar Maxamed Cabdi.
Wixii talo ah iyo tusaale ah iigu soo hagaaji ciwaanka ah:- kaahin54@gmail.com

Comments are closed