Madaxwayne Ku xigeenka DDSI Oo Furtay Kulan Lagaga Hadlayo Waxqabadka Mashruuca PCDP.

Marow sucaadJIGJIGA ( ESTV) 30/06/2016

Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee huteelka nogob ee xarunta deegaanka  kulan lagaga hadlayo waxqabadkii lixdii bilood ee ugu danbaysay ee  mashruuca mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah ee PCDP.

Kulankaasi oo loo qabtay hogaaminta xafiisyada horumarka degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani iyo shaqaalaha mashruucan ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay,madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka  xafiiska  horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  iyo maareeyaha mashruucan horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax  oo si qoto dheer uga hadashay ahmiyada uu mashruucani u leeyahay guud ahaanba horumarka deegaanka waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in uu qayb wayn ka qaaday hirgalinta hawlaha horumarka sanadihii uu jiray gaar ahaan kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqadada ee DDSI.

Dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha mashruuca horumarinta bulsahda xoolo dhaqadada ah ee DDSI mudane cabdifataax Axmed Ismaaciil  oo sharax ka bixiyay  ujeedooyinka laga leeyahay kulanka kaasi oo sheegay in mudada uu socdo oo ah 2 maalmood lagaga hadlidoona waxqabadkii mashruuca ee 6 bilood ee ugu danbeeyay sanad miisaaniyeedka 2008TI in si qoto dheer loo falan qeeyo doorka ay xafiisyada bahwadaagta heerar kooda kala duwaani ku leeyihiin hirgalinta mashruucan iyo waliba in laysla sar gooyo jihooyin midansana laga qaato hirgalinta geedi socodka fulinta qorshaha 2009TI ee mashruucan.

Comments are closed