JIGJIGA ( ESTV) 01/07/2016
Haddaba Deeqdan raashinka ah ayaa waxay jaaliyadu soo marisay maamulka magaalada jigjiga si ay u gaadhsiiyaan dadka danyarta ah. Masuuliyiinta ka socday maamulka magaalada jigjiga ayaa deeqan raashinka ah u qaybiyay qoysaskaasi dan-yarta ah.
Qaarka mid ah masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashinka lagu qaybinayay ayaa si wayn ugu mahad celiyay jaaliyada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton waxayna sheegeen in ay jaaliydan Edmonton ay dadaalada dhinac kasta leh markasta la garab taagan yihiin DDSI waxayna tilmaameen in ay deeqdan raashinka ah ku soo beegantay wakhti lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Dhankooda dadkii la siiyay deeqdan raashinka ayaa u mahad celiyay hogaaminta jahliyada DDSI ee Edmonton ee soo gaadhsiiyay raashinka sidoo kale waxay u mahad celiyeen masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ee sida wanaagsan ugu qaybiyay deeqdan.
Comments are closed