Jaaliyada DDSI ee Edmonton Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyay Dadka Danyar ah.

DdsiJIGJIGA ( ESTV) 01/07/2016

qaarka mid ah hogaaminta  Jaaliyada DDSI  ee ku dhaqan magaalada  Edmonton ee gobolka Alberta ee wadanka Canada ayaa deeq raashin ah u soo diray dadka dan-yarta ah  ee ay saameeyeen  daadadkii wakhti roobaadkii waxyeeleeyay xaafado ka mid ah maamulka magaalada jigjiga.

0000wHaddaba Deeqdan  raashinka ah ayaa waxay jaaliyadu soo marisay  maamulka magaalada jigjiga si ay u gaadhsiiyaan dadka danyarta ah. Masuuliyiinta ka socday  maamulka magaalada jigjiga ayaa deeqan raashinka ah u qaybiyay qoysaskaasi dan-yarta ah.

DdsiQaarka mid ah masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashinka lagu qaybinayay ayaa si wayn ugu mahad celiyay jaaliyada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton waxayna sheegeen in ay jaaliydan Edmonton ay dadaalada dhinac kasta leh  markasta la garab taagan yihiin DDSI waxayna tilmaameen  in ay deeqdan raashinka ah ku soo beegantay  wakhti  lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

DdsiDhankooda dadkii la siiyay deeqdan raashinka ayaa u mahad celiyay hogaaminta jahliyada DDSI ee Edmonton ee soo gaadhsiiyay raashinka sidoo kale waxay u mahad celiyeen masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ee sida wanaagsan ugu qaybiyay deeqdan.

Magayada  jaliyada DDSI Edmonton Alberta Canada ee soo diray deeqdan ayaa waxay kala yihiin:-

1.Samatar Sahal

2.Fadumo Burle

3 Mahamed Gedi

4.Mahamed Shaafi

5 . cabdibdisalan Rashid

6.Foosiya  Dhambil

7 . cabbdulahi Mohamed

  1. ciise  Yusuf

Comments are closed