Wafti Qurba Joog Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil waal.

Ugaas xasan JIGJIGA ( ESTV) 02/06/2016

Wafti  qurba joog ah oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Maxamed Cabdisalaan ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport kuwaasi oo ka soo kicitimay wadanka UK.

Waftigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu masuuliyiin ay  ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi, wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed  Shugri iyo waliba odayaal iyo waxgarad kale.

Waftigan ayaa markii ay soo dageen waxaa qolka nasashada garoonka diyaaradaha  kula hadlay warbaahinta DDSI Ugaas Xasan  Maxamed oo ka mid ah aqoon yahan ka qurba joogta  DDSI ee wadanka UK kana qayb qaada hawlaha horumarka DDSI  ee ay qurba joogta DDSI ka wado daafaha aduunka.  wuxuuna ka  warixiyay ujeedada socdaalka waftigan isaga oo  sheegay in ay u yimaadeen ka qaybgalka kulan waynaha qurba joogta DDSI ee dhawaan ka furmaya xarunta deegaanka ee jigjia. Ugaaska ayaa tilmaamay in ay si wayn ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka kulan waynahan ay xukuumada DDSI u qabanayso  qurba joogta DDSI.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed ayaa sheegay in wafigani qayb ka yihiin waftiyaga qurba joogta ah ee hadda ku soo qul qulaya xarunta deegaanka si ay uga qaybgalaan kulan waynaha qurba joogta.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane axmed shugri ayaa sheegay in  qurba joogta DDSI siwayn uga qayb qaadatay  sanadihii ugu danbeeyay hirgalinta hawlaha horumarka deegaanka maalgashi balaadhana ka samaysteen deegaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiir ku xigeenku in  xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka qurba joogta DDSI

Comments are closed