Wafti Qurba Joogta Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal.

000qur8Jigjiga  (ESTV) 04/06/2016

Waxaa  garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport si heer sare ah loogu soo dhaweeyay wafti qurba joogta oo ka kala socday wadamada waqooyinga America iyo Scandinavian.

000qur1Waftigan ayaa waxaa garoon diyaaradaha si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay  ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHS mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir, maareeye ku xigeenka wakaalada qurba joogta DDSI mudane bashiir maxamed cabdilaahi, wasiirka maalgalinta DDSI mudane cabdinaasir maxamed iyo masuuliyiin kale.

000qur6Waftigan qurba joogta ah ayaa waxaa kala hogaaminayay gudoomiyaha XDSHSI ee  jaaliyadawaqooyiga America mudane Maxamed Bade iyo gudoomiyaha jaaliyadaha wadamada Scandinavian mudane Cabdicasiis Seeraar Xaashi  waxayna masuuliyiintani warbaahinta kula hadleen qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kuwaasi oo sheegay in ujeeada socdaalkoodu  yahay in ay ka soo qaybgalaan kulan waynaha tododaabka   qurba joogta ee dhawaan ka furmaya caasimada DDSI ee jigiga waxayna si wayn ugu mahad celiyeen xukuumada sida balaadhan ugu soo dhawaysay garoonka diyaaradaha kuna marti qaaday kulan waynahan.

 

000qur7Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo la hadlay warbaahita ayaa sheegay  in  qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku sugan daafaha aduunka ay xukuumada DDSI  ay marti qaad u fididay si ay uga soo qaybgalaan kulan waynaha todobaadka qurba joogta oo ah mid lagu sii  xoojinayo isku xidhka qurba joogta iyo xukuumada DDSI.

Untitled

 

Comments are closed