MW CMC Oo Munaasabada Ciidal Fidrida Tahniyada Hanbalyo u Diray muslimiinta Caalamka.

00abdiJigjiga (ESTV) 05/07/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada  farxada ciidul Fidriga hanbalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  itoobiya  gaar ahaan DDSI.

Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri iyo xasanaadna  kala kulmiyo soonkii bishii barakaysneed ee soomanaayen.

 

Madaxwaynaha DDSi  ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida  farxada la wadaago dadka danyarta lana  lacaawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu ka warhayo walaala muslimiinta dariskiisa.

Comments are closed