Magaalada Jigjiga oo Siweyn looga Ciiday Daawo Sawirro & Warbixin Xiiso leh

ciida1Jigjiga (ESTV) 06/07/2016

Waxaa maanta guud ahaanba deegaanka si wayn looga damaashaaday farxada ciidul fidriga iyadoo 7,aadkii u danbeeyay bishii barakaysnayd ee soomka ay bulsho-waynta deegaanku si wayn oogu diyaar garoobayeen munaasabada ciidul fidriga.

ciida2Hadaba waxaa saaka  garoonka wayn ee ciyaaraha magaalada jigjiga buux dhaafiyay qaybaha kaladuwan ee bulshada muslimiinta ah iyo hogaaminta xukuumada DDSI oo ay horkacayaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar, masjidul aclaha iyo golaha arimaha islaamka kuwasoo safaf aan tiradooda la koobi karin ugu tukaday halkaasi.

ciida3Waxaana salaada kahor khudbado wacyigalin iyo dhiiri galin dhanka diinta islaamka ah halkaa kasoo jeediyay ugu horayn madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, gudoomiyaha majidul aclaha mudane sheesh cabdiraxmaan iyo waliba gudoomiyaha maxkamada shareecada mudane sheekh nadiir sayid nuur.

ciida4Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn  khudbad kasoo jeediyay madashii salaada ciida ayaa kahadlay ahmiyada balaadhan ee ay nabadgalyadu uleedahay nolosha iyo koboca dhaqan dhaqaale ee bulshada deegaanka,dalka iyo dibadaba. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka ay diinta islaamka kuhayaan ururada argagixisada ah ee isku-sheegaya islaamka balse kafog islaamnimada oo gabaad kadhiganaya diinta islaamka kuwaas oo ay kamid yihiin al qushaash, daacish, shiica, al itixaad iyo wixii lamid ah.wuxuuna xusay inay bulshada deegaanku tahay bulsho ehlu suna wal jameca ah oo aysan marnaba ogalayn fikirada diinta xagjirka ah ee laga soo dhoofiyo wadamada shisheeye.

ciida5Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay sidii caadada u ahayd in cafis lasiinayo maxaabiistii u xidhnayd dambiyada kaladuwan ee  intii ay jeelka ku xidhnaayeen saxmay.

ciida6Ugudanbayna culimo-awdiinka deegaanka ayaa duco caam ah ugu duceeyay dhamaan shacabka waynaha dalka, deegaanka, xukuumada DDSI iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska in ilaahay ugu sii wado horumarka iyo nabadgelyada kahanaqaaday dalka iyo deegaankaba.

Comments are closed