Ogeysiis Dhamaan Qurbajoogta DDSI Shirka Qurbajoogta wuxuu Furmayaa 7-july ilaa 14-july

bashirJigjiga (ESTV) 06/07/2016

Waxaa la ogaysiinaya dhamaan qurbajoogta DDSI ee kakala timid daafaha caalamka kuna sugan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga si ay uga qayb galaan shirwaynaha todobaadka qurbajoogta DDSI ee 7da July ilaa 14ka July 2016 in habeen danbe  laga bilaabo 6da ama 12ka maqribnimo casho sharaf soo dhawayn ah loogu samaynayo   guriga martida ee Qaryaan Dhoodaan islamarkaana jadwalkii geedi socodka shirwaynaha oo bilaaban doona maalinta xigta lagu siin doono.

Hadaba waxaan mar labaad ogaysiinaynaa dhamaan qurbajoogta sharafta leh ee DDSI ee kusugan xarunta  deegaanka  inay kasoo qaybgalaan munaasabada casho sharafta soo dhawaynta ah  ee loogu qabanayo Qaryaan dhoodaan. Taas oo ay kala soo qaybgali doonaan Hogaaminta  ugu saraysa xukuumada  DDSI iyo waliba kooxihii fanka iyo suugaanta DDSI.

Waa inoo habeen danbe iyo Qaryaan Dhoodaan.Lasocod iyo kasoo qaybgal wanaagsan.

Comments are closed