Kulan Weynihii 7aadka Qurbajoogta DDSI oo maanta guul iyo farxad ku furmay

fanJigjiga (ESTV) 08/07/2016

waxaa maanta hoolka shirarka Sayid maxamed cabdulle xasan lagu Qabtay Shirweynihii 7aadka Qurbajoogta DDSI oo ay ka soo qeybgaleen Qurbajoog aad u tiro badan Waxaa kaloo ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan DDSI waxaa kaloo kasoo Qeybgalay fanaaniinta DDSI iyo Fanaaniinta Qurbajoogta DDSI oo ay soo bandhigeen dhaantooyin aad u macaan iyo heeso wadani waxaa kaloo ka soo qeybgalay kooxda baanbeyda DDSI oo wacdaro halkaa ka dhigay taasoo Qurbajoogta farxad weyn wajiyadooda ka muuqtay.

ibrahimQaar ka mid ah Qurbajoogta DDSI uu ka mid yahay Mudane Ibraahim Carab Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya oo Warbaahinta la hadlay  ayaa Sheegay in ay aad ugu faraxsan yahay Sida Xukuumadda dawlad deegaanka somalida itoobiya ay u soo dhaweysay Qurbajoogta DDSI ayna martigalisay shirweynaha 7aadka Qurbajoogta Taasoo dhamaan qurbajoogta DDSI ay u tahay fursad weyn oo aan la soo koobi karin.

ib1Ugu Dambeyntii Waxaa shirka Soo xiray Wasiir kuxigeen Madaxtooyada mudane ibraahim kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay Guul iyo Farxad’

sed

axmed2axmed3ugaas3

Comments are closed