War-degdeg Shirkii Golaha Kabineega DDSI oo isku shaan-dheyn sameyay

kabiJigjiga (ESTV) 08/07/2016

Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kafurmay shirkii golaha kabineega DDSI ee caadiga ahaa.

Hadaba shirkan golaha kabineega oo had iyo jeer lagu dajiyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee keenay horumarkan laxaadka leh ee kahanaqaaday deegaanka islamarkaana lagu qiimeeyo fulinta qorshayaasha kusalaysan waxqabadyada kaladuwan ee xukuumada udajisnaa ee wakhtiga gaaban, dhexe iyo fogba ayaa saaka diirada lagu saaray sidii loo dar-dargalin lahaa shaqooyinka  dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyadoo si adagna loogu qiimeeyay waxqabadka qorshihii sanadkii hore iyo qorshaha sanadka cusub ee 2009TI. Waxaana gaar ahaan xooga lasaaray dhanka biyo-xidheenada.

Waxaa kale oo uu goluhu shirkan diirada kusaaray sidii loo dhisi lahaa qaab-dhismeedka gobolada, maamul magaalooyinka iyo degmooyinkii cusbaa.

Dhanka kalana, golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay in xafiiska horumarinta xoolaha loo dhaadhiciyo heer degmo isagoo magaca xafiiskuna noqonaya xafiiska xoolo-dhaqatada iyo iskaashatooyinka. Waxaa kale oo la israaciyay xafiiska ganacsiga iyo arimaha bulshada oo loo dhaadhiciyay degmooyinka. Kaas oo aan horay uga jirin heer degmo.

Hadaba si loo xoojiyo shaqooyinka xafiiska xoolo-dhaqatada iyo horumarinta reer guuraaga DDSI ayaa waxa uu madaxwaynuhu wasiirka xafiiskan umagacaabay mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo ah lataliyaha madaxwaynaha dhinaca xidhiidhka dadwaynaha amaxarunta dhexe ee XDSHSI meesha mudane Cabdinuur Colowna loo magacaabay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI.

Ugudanbayna, shirkii golaha kabineega ee saaka ayaa kusoo dhamaaday guul iyo shaqooyinka oo lasii laba-jibaaro.

Comments are closed