Xaflada Casho-sharaf loo Sameeyay Qurbajoogta DDSI Barxada Qaryaan Dhoodaan (Sawirro)

ugaa1Waxaa caawa barxada wayn ee Qaryaan Dhoodaan lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasoo lagu soo dhawaynayay qurbo joogta DDSI  ee kakala timid daafaha caalamka oo ay tiradoodu kor udhaafayso 2kun  oo shaqsi.

ugaas2Hadaba xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi maxamuud cumar, madaxwayne kuxigeenada, Golaha wasiirada, maamulada Gobolada, Hogoominta Jaaliyadaha kaladuwan ee DDSI iyo marti sharaf kale. Waxaana furitaankii xafladan ugu horayn kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay madasha kusoo dhawaysay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax.

sh4Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuu cumar oo furay xafladan ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qurbajoogta DDSI ee kakala timid daafaha kaladuwan ee caalamka. Wuxuuna uga mahadceliyay imaanshahooda isagoo ugu hambalyeeyay inay salaadii ciidul fidriga ay si nabad ah oo farxadi ku dheehan tahay ulatukadeen shacabka ku nool xarunta DDSI ee jigjiga. Taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay xukuumadu kashaqaysay ilaahayna ugu suurtagaliyay sidii qorshuhu ahaa. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in kulanwaynaha 7aadka qurbajoogta DDSI uu si rasmi ah bari subaxa uga furmi doono Hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdile xasan islamarkaana ay jiri doonaan tartan dhaqameedyo kaladuwan oo dhexmari doona qurbajoogta dhexdeeda iyo waliba qurbajoogta iyo qaranjoogta DDSI. Tartamadaas oo looga gonleeyahay sii xoojinta hidaha iyo dhaqanka ay umada deegaanku leedahay.

shekhDhanka kale wasiir-kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahadayaa faahfaahiyay noocyada tartan dhaqameedyada kaladuwan iyo geedi socodka kulanwaynaha. Wuxuuna intaa kudaray in kadib tartan dhaqmeedyada kaladuwan ay jiri doonaan abaalmarino cidii kuguulaysata taratamadaas islamarkaana abaalmarintu ay noqon doont Geel.

ukKadibna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa u furay qurbajoogta iyo heerarka kaladuwan ee marti sharfta casho sharftii loogu talagalay. Waxaana si toos ah ubilaabatay qaadashadii casha sharafta.

axmed xasanUgudanbayna kooxaha kaladuwan ee fanka iyo suugaanta deegaanka iyo qurbajoogta oo iskudhafan  ayaa si wayn ushiday xaflada casho sharafta ah ee soo dhawaynta qurbajoogta DDSI iyagoo halkaa kusoo bandhigay dhaantooyinkii hidaha iyo dhaqanka ee uu deegaanku caanka ku ahaa.

ib

Comments are closed