Madaxweyne Cabdi Oo Furay Kulan-waynihii 7, aadka Qurbajoogta DDSI Jigjiga

abdiJigjiga (ESTV) 09/07/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa niskii danbe ee maanta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan si rasmi ah uga furaykulan-waynihii 7, aadka qurbajoogta DDSI oo ay kasoo qaybgaleen hogaaminta sare ee xukuumada iyo in kabadan 2kun oo qurbajoog ah oo kakala yimid dacalada kaladuwan ee dunida.

sucadHadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa furitaankii kulan-waynaha kaga warbixiyay sooyaalkii taariikheed ee dalka itoobiya iyo cadaadisyadii horay uga jiri jiray ee lagu hayay shacabwaynaha dalka guud ahaan gaar ahaana cadaadisyadii ay boqortooyooyinkii kaladuwanaa iyo  dhargiguba kuhayeen shacabka deegaanka. Wuxuuna xusay initoobiyada cusub ee maanta ay kaga duwan tahay itoobiyadii hore lahaanshaha aragti shacab oo kusalaysan horumar, nabadgelyo, maamul suuban, sinaan, cadaalad iyo nidaam kudhisan dimoqraadiyad uu mideeyay dastuur mid ah.

sucadMadaxwayne CMC ayaa dhanka kale si qoto-dheer uga faalooday sooyaalkii taariikheed ee deegaanku soo maray iyo caqabadahii xukuumadihii kaladuwanaa iyo xisbiyadii kudhisnaa aragtida qabiil iyo fikiradii cidhiidhyanaa ee soomaali wayn kuwaas oo hoos uladagay nabadgelyadii iyo horumarkii deegaanku gaadhi lahaa. Wuxuuna carabka kudhuftay in isbadalka deegaanka ee maanta uu kuyimid halgan adag oo dhinac walba ah gaar ahaan isbadalka dhanka nabadgelyada oo ururadii argagixisada ahaa sida UBBO dagaalo fool-kafool ah oo lagaga guulaystay lalagalay iyagoo dhinaca kalana lagala dagaalamay dhanka dhaqaalaha khaasatan shacabka qurbajoogta ah ee kasoo jeeda deegaanka oo ay warbixino been ah dhaqaale kaga heli jireen oo dhamaan qaaradaha caalamka ay hogaaminta XDSHSI socdaalo wadatashi ah ugu tagtay, iyo waliba hogaaminta XDSHSI oo leh aragti horumarineed islamarkaana duurka ugashay soo afjarida nabadiidka iyo darsida nolosha dhabta ah ee shacabka si qorshaha waxqabadka loogu saleeyo baahida dhabta ah ee shacabka dhakhsana looga jawaabo. Taas oo ah mida ay kutimid horumarkan laxaadka leh. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray in dhinaca horumarka oo ay xiligaa adkayd in lahirgaliyo dadaalo farabadan kadib lagu guulaystay in lagarab wado nabadgelyada iyadoo caqabado badan oo jirayna ugu danbayn laga gudbay.

Sidoo kale, wuxuu madaxwaynuhu kawarbixiyey kaalintii nabadgelyada iyo horumarka maanta kahanaqaaday deegaanka ay kulahaayeen qurbajoogtu isagoo uga mahadeliyay islamarkaana kubooriyay in dhanka horumarka laga filayo qurbajoogta inay dadaalo kuwii hore kabadan ay kagaystaan deegaanka sanadaha soo socda.

Ugudanbayna, qurbajoogta DDSI ayaa kamarkhaati kacday isbadalada horumarineed, nabadgelyo iyo dadaaladii cilmiyaysnaa ee dal iyo dibadba uu guulaha kakeenay XDSHSI iyagoo balanqaaday inay sii laba-jibaari doonaan dadaaladooda kaga aadan deegaanka xaga horumarka.

Kadibna, waxaa qurbajoogta DDSI wakhti loo siiyay inay kasoo doodaan isbadalka sooyaalkii taariikheed ee deegaanka iyo waliba sidii loo sii adkayn lahaa si looga midha-dhaliyo qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa labaad oo uu dalkuna kaga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Comments are closed