M/weyne kuxigeenka Oo Kawrbixiyay Imtixaanka Fasalka 12aad Jigjiga

hayirJigjiga (ESTV) 10/07/2016

Madaxweyne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan oo kawrbixiyay imtaxaanka fasalka 12aad ee heer qaran ayaa sheegay in imtixaanka loo soo diyaariyay si aad ufiican islamarkaanauu bari si rasmi ah uga bilaaban doono dhamaan dalka deegaanadiisa kaladuwan. Wuxuuna intaa kudaray in ay been iyo propgaando tahay waxyaabaha social media ah lasoo galiyay islamarkaana ay beentaas fidinayaan dad qawlaystayaal ah oo ka xun horumarka waxbarashada dalka.

Ugudanabayna wuxuu xusay madaxwayne kuxigeenku in imtaxaanku uu bari ka bilaaban doono 74 goobood oo katirsan DDSI  islamarkaana ay  imtaxaanka u fadhiisan doonaan arday tiradoodukor u dhaafayso 8284.

Comments are closed