Daawo Wafdi ka socda Dowlada Federaalka oo gaaray Kismaayo

fdikismaayo (NN) 12/07/2016

Wafdi ka kooban Wasiiro oo uu hogaaminayo Raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Carte ayaa Isniintii shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Juballand.

 

Wafdigan oo aan faah faahin badan ka bixin qorshaha safarkooda ayaa kulamo la yeeshay Madaxda maamulka Jubaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Maxamuud Sayid.

Safarka wafdigan ayaa la sheegay inuu la xariiro arrimaha mashaariicda gobalada Jubaland iyo waliba doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, inkastoo aysan labada dhinac xog dheeraad ah ka bixin kulamadooda.

Maamulka Jubaland oo dhawaan sheegay inuu bilaabi doono olole militari oo deegaanadaasi looga saari doono kooxda Al Shabaab ayaa dhinaca kale wadahadal kula jiray Federaalka Soomaaliya oo ay ka wadatashanayaan arrimaha Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Kenya oo la sheegay in dib loogu soo celin doono gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubaland.

Comments are closed