Imtixaanaadkii Fasalka 12aad Oo Si Rasmi ah U Bilowday deegaanka iyo Guud ahaan Dalka

??????????????

??????????????

Jigjiga (ESTV) 11/07/2016

Waxaa maanta si heer sare ah uga bilowday dhamaan dalka JDFI imtaxaanka u diyaargarawga jaamacadaha heer qaran ee fasalka 12aad, kaasoo DDSI si rasmi ah uga bilowday 74 goobood.

Hadaba Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarasada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo  u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtaxaankii fasalka 12aad uu maanta ka bilowday dhamaan goobihii loogu talagaly oo tiradoodu dhantahay 74 goobood. Wuxuuna intaa kudaray in ay kormeer ku soo mareen dugsiyadii ay imtixaamaadku ka socdeen sida magaalada jigjiga iyo waliba degmada tuliguleed. Wuxuuna tilmaamay in ka deegaan ahaan ay imtixaanka u fadhiisteen maanta arday tiradoodu kor u dhaafayso 8254.

fasalka jigjigaUgudanbayna wuxuu xusay madaxwayne kuxigeenku in imtaxaanku uu socon doono mudo 3 cisho ah. Wuxuuna kula dardaarmay ardayda in imtaxaanka ay sifiican uga shaqeeyaan maadaama oo sifiican wax loosoobaray ardayda islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka iyo anshaxa imtaxaanka noqdaana kuwo ku guulaysta jaamacadaha dalka.

Comments are closed