Kulan lagaga Hadlayay Mashaariicaha MDG oo ka dhacay magaalada jigjiga

uldanJIGJIGA (ESTV) 10/07/2016

Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay dar dargalinta mashaariicaha horumarka waara ee MDG ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

suldaan3Kulankaasi oo uu hogaaminayay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga mashaariicaha MDG mudane Suldaan Khayrewaxaana loo qaytay dhamaanba masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaaladaha DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii looga wada hadli lahaa fulinta iyo dar dargalinta mashaariicaha horumarka waara MDG ee ay wakaaladaha DDSI gacanta ku yahaan fulintooda gaar ahaan mashaariicaha  sanad miisaaniyeedka 2009TI.

Waxaa kale oo uu  sheegay wasiirku  in mudada uu kulanku socdo   lagaga hadli doono fulunta  iyo hirgalinta qorshihii sanad miisaaniyeedkhii hore ee 2008TI ee ay wakaaladuhu  gacanta ku hayeen fulintooda si qorshaha 2009TI loogu darsado  hadii ay wax gol daloola ah ka jirtay fulinta qorshahaasi hore ee mashaariicaha horumarka waara.

Comments are closed