Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Xuska 16aad Ee Maalinta Xoolo Dhaqatada dalka oo ka dhacay jigjiga.

kabiJigjiga (ESTV) 12/07/2016

Waxaa maanta  kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI  gudiga sare ee  qaban qaabada munaasabada  xuska 16aad ee  maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya oo  sanadkan lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga.

kabinedkaGudigan qaban qaabada munaasabada xuska  maalinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenada DDSI  ayaa ah gudi isku dhafka oo iskugu jira heer deegaan iyo heer fadaraal.  waxaana kulankaasi ay yeesheen maanta hogaaminayay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  mudane maxamedrashiid isaaq.

casiisKulankan ayaa waxaa lagu kala qaadanayay  qorshe hawleedka loogu diyaar  garoobayo  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya taasi oo ah munaasabad 2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, canfarta, oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya. Waxaana  xuskan kii ka horeeyay ee 15aad ayaa waxaa martigaliyey deegaanka canfarta halka sanadkana xuska 16aad  uu marigalinayo deegaanka soomalida itoobiya.

bGudigan ayaa markii ay kulanka dhamaysteen waxay soo kormeereen garoonka cusub ee ciyaaraha oo  laga hirgaliyay caasimada DDSI kaasi oo ah mid ka lagu qaban doomo munaasabada 16aad ee maalinta xuska xoolo dhaqadada dalka. gudigan ka socday heer fadaraal ayaa siwayn ugu bogay diyaar garowga bilowga fiican ah ee ay muujisay xukuumada DDSI.

Comments are closed