Kulan Waynihii Todobaadka Qurba joogta DDSI oo galay maalintii 3aad.

khadar1Jigjiga (NN) 12/07/2016

Waxaa maalintii 3aad  ka socda madasha shirarka  ee qaryaan dhoodaan kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI.   waxaana kulankaasi maanta   hogaaminayay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmed faara, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudan khadar cabdi ismaaciil iyo wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahim mahad (sacab).

ugaasHaddaba kulan waynahan todobaadka qurba joogta DDSI oo si qoto dheer looga hadlay isbadaladii iyo   soonyaalka  taariikh ee uu soo maray  deegaanka ayaa waxa ay maanta qurba joogta koox koox ah uga doodeen soonyaalka taariikheed deegaanka iyo dalka iyo waliba nidaamka federalism iyada oo loo kala saaray 5 group oo kala ah qaarada  yurub, amerce, Africa, Australia iyo Asia.

uqWaxayna kooxahan halkaasi ku soo bandhigen dhibaatooyinkii hore uga soo jirayay deegaanka marxaladihii iyo isbadaladii uu soo maray iyo heerka uu hada marayo gaar ahaan dhinacyada horumarka nabadglayada iyo maamul wanaaga.

Comments are closed