Golaha Xildhibaanada Oo Ansixiyay Miisaaniyadii Sanadka 2009TI

r1Jigjiga (ESTV) 13/07/2016

Kadib Kal-fadhigii niskii hore ee maanta ee uu goluhu ku dhagaystay dood kabacdina ku ansixiyay warbixinadii waxqabadka xafiiska golaha xildhibaanada iyo tii xukuumada DDSI ee sanadkii 2008TI ayaa niskii danbe ee maanta la isugu soo laabtay ansixinta bayaanadii iyo qodobadii hadhay.

r2Hadaba afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa guriga soo hordhigay in ladhagaysto bayaanka qorshaha jajabinta miisaaniyada sanadka 2009TI kadibna laga doodo.

Waxaana  bayaanka jajabinta qorshaha sanad miisaaniyeedka 2009TI oo isugu jira  mushaar, hawlfulin, mashaariic dhamaan xafiisyada heer deegaan, heer gobol, heer mamul-magaalo iyo heer degmaba soo jeediyay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed oo ugu horayn usoo dhigay golaha in wadarta guud ee miisaaniyada sanadka 2009TI  ay tahay 10,218,987,291(toban bilyan, laba boqol toban iyo sideed milyan, sagaal boqol iyo sideed iyo tobon kun, laba boqol iyo sagaashan iyo kow bir). Kadibna wuxuu wasiirku si cadcadaani ku dheehan tahay u qeexay bardaloolka ay hay’ad kasta oo dawli ahi helayso.

r3Dhagaysasho kadibna wuxuu goluhu falanqayn dheer iyo dood kayeeshay qorshaha jajabinta miisaaniyada sanadka 2009TI ee lasoo dhigay. Wuxuuna gurigu islaqaatay in miisaaniyada oo yar marka labarbardhigo baahida balaadhan ee deegaanka uu xafiiska maaliyada iyo Horumarinta dhaqaaluhu sidii kuhaboonayd ujajabiyay miisaaniyada isagoo kusaleeyay sida ay baahiyuhu ukala muhiimsan yihiin. Waxayna goluhu uga mahadceliyeen kooxdii soo diyaarisay iyo dhamaan xafiiska maaliyada isku- fadhiisinta baahida iyo miisaaniyada. Sidaasdarteed, ayuu goluhu codbuuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay bayaanka sanad-miisaaniyadeedka 2009TI iyo waliba ansixinta miisaaniyadii dheeriga ahayd ee sanadkii 2008TI.

r4Dhinaca kale, afhayeenka ayaa soo dhigay in laga doodo ajandihii xigay oo ahaa ansixinta bayaanka aasaasida wakaalada Kiraynta Mashiinada waawayn iyo dayactirka gaadiidka.

Waxaana muhiimada ay wakaaladani uleedahay deegaanka iyo baahida loo qababa usoo jeediyay golaha xildhibaanada wasiirka xafiiska xeer-ilaalinta iyo cadaalada guud ee DDSI mudane Jamaal Axmed Qaloonbi.

Kadibna, wuxuu gurigu si buuxda ugu codeeyay aasaasida wakaaladan isagoo goluhu si faah-faahsan uga dooday dhibaatadii deegaanka kahaysatay dhanka kiraynta mashiinada waawaayn iyo dayactirkoodaba.

Ugudanbayna, guriga ayaa ajandayaasha hadhay udhigtay in halkaa lagasii wadi doono subaxnimada maalinta bari ah.

Comments are closed