Kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada oo ka socda Hoolka Shirarka Qaryaan dhoodaan jigjiga

bnJigjiga (ESTV) 13/07/2016

Waxaa maalintii 2, aad si qurux badan uga socda madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 3, aad ee golaha xidhibaanada DDSI.

bn1Kalfadhigan  oo ay golaha horyaaleen ansixinta bayaano iyo anjandandayaal door ah sidaan kusheegnay warkii hore ayaa wuxuu afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq soo hordhigay golaha in ladhagaysto warbixinada waxqabadka sanadka 2008TI si looga doodo kadibna loo ansixiyo.

Hadaba waxaa maanta galinkii hore uu goluhu  si buuxda u dhagaystay warbixinta waxqabadka xafiiska golaha baarlamaanka iyo warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanadka 2008TI.

bn2Waxaana ugu horayn warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad  miisaaniyeedka 2008TI soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo kusargooyay warbixinta qorshayaashii xukuumada udhignaa sanadkan oo sidii loogu talagalay looga midho dhaliyay.

Madaxwaynaha ayaa iyadoon lasoo koobi Karin dhamaan waxqabadyadii kaladuwanaa ee xukuumada si qotodheer uga warbixiyay guulaha laga soo hoyiyay qorsheyaashii sanadkan ee dhinacyada horumarka gaar ahaan biyaha isagoo kafaalooday biyo-xidheenada waawayn, ceelasha dhaadheer, kuwa gaagaaban, biyo-galinta magaalooyinka, ceel gacmeedyada iyo barkadaha intaba. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu warbixintiisa carabka ku adkeeyay guulaha waawayn ee laga soo hoyiyay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, jidadka khaasatan buundooyinka, soo iibintii mashiinada waawayn, wabiyada iyo dooxooyinka, dib udajinta iyo horumarinta xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta, kajawaabida abaarihii saameeyay gobolka sitti iyo waliba shaqaalayntii arday tiradoodu dhan tahay 7kun oo arday. Wuxuuna intaa kudaray in kor loo qaaday dhanka xidhiidhka dadwaynaha gaar ahaan dhanka kaqaybgalinta bulshada oo laba jeer sanadkan wadatashi xukuumadu lasamaysay shacabwaynaha deegaanka isagoo sheegay socdaaladii lagu soo gaalaa bixiyay gobolka doolo, socdaalkii cagaaraa iyo socdaalkii lagu gaadhay qurbajoogta qaarada Australia ee hadhaagii Ubbo lagu soo afjaray.

bn3Kadib markii uu goluhu dhagaystay warbixintan xukuumada DDSI sanadka 2008TI si wayna uga dooday ayuu gurigu codbuuxda oo gacan taag ah ku ansixiyay waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedkii 2008TI.

Sidoo kale wuxuu goluhu dhagaystay warbixintii waxqabadka xafiiska golaha xildhibaanada ee sanadka 2008TI isagoo qeexay waxqabadyadii kaladuwanaa ee dhinacyada dabagalka mashaariicaha, gudiyadii joogtada ahaa, tababaradii golaha, khibrad wadaagii, diyaarinta turjumida dastuurka iyo bayaanada luuqadaha kaladuwan, qabashada kalfadhiyadii sanadkan iwm.

Dhagaysasho kadibna, wuxuu goluhu dood dheer kadib cod aqlabiyad ah oo aan cidina kahadhin ku ansixiyay warbixintii waxqabadka xafiiska golaha wakiilada shacabka ee sanadka 2008TI iyagoo goluhu kutilmaamay in uu xafiiskani si buuxda ugutay waajibaadkii iyo shaqooyinkii loo idmaday.

Ugudanbayna, wuxuu afhayeenka golaha wakiilada shacabka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq usheegay golaha in niska danbe la isugu soo noqdo madasha shirka oo uu halkaa kasii socon doono.

Comments are closed