Kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada oo la soo gabagabeeyay Xubno Muhiim la doortay

7Jigjiga (ESTV) 24/07/2016

Kal-fadhigii golaha xildhibaanada oo mudo 2 maalmood ah  si habsami leh ugasoo socday madashada shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa galay maalintiisii 3, aad.

n1Wuxuuna goluhu niskii hore ee maanta dhagaystay kadibna kadooday warixintii waxqabadka xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee sanadka 2008TI isagoo codbuuxa oo gacan taag ahna ku ansixiyay.

Kadibna, golaha ayaa niskii danbe isugu soo laabtay ajandihii xigay oo ahaa dhagaysiga ansixinta warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee sanadka 2008TI. Waxaana soo jeedin, dhagaysasho iyo dood dheer kadib uu goluhu cod dhamaystiran ugacan taagay inay warbixinta maxkamadu tahay mid ansax ah.

n3Hadaba afhayeenka Golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa usoo dhigay golaha ansixinta 2 madaxwayne kuxigeen oo ay yeelanayso maxkamada Guud. Wuxuuna afhayeenku kacodsaday madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar inuu golaha soo hordhigo cidii loo malmalay madaxwayne kuxigeenada maxkamada si loo ansixiyo.

Kadibna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa golaha soo hordhigay xubnihii loo soo xulay labada boos ee kala ah: madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta ciqaabta iyo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta madaniga. Wuxuuna madaxwaynuhu soo dhigay in mudane Xasan-nuur Haybe Axmed loo soo xulay inuu noqdomadaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta ciqaabta meesha marwo Samsam Xaaji Maxamed loo soo xulay inay noqoto madaxwayne kuxigeenka maxkamada Guud ee qaybta madaniga. Wuxuuna madaxwaynuhu faahfaahiyay in xubnahani ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa boosaska loo soo xulay  islamarkaana ay leeyihiin aqoon heer master ah, karti, khibrad-dheer iyo bisayl hogaamineedba.

Kadibna golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay inay labada masuulba buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa oo ay si buuxda uga soo bixi karaan xilka loo idmaday.

Waxaana madaxwayne-kuxigeenadan maxkamada ee la ansixiyay golaha hortooda kudhaariyay madaxwaynaha maxakamada guud ee DDSI mudane cabdulaahi maxamuud Cabdi(Ugaas) iyadoo uu madaxwaynaha DDSI mudanecabdi maxamuud cumar uu kula dardaaramay mas’uuliyiinta cusub iyo kuwii hore ee maxkamada guudba inay sii dardargaliyaan shaqooyinka oo ay waliba dabagal adag ku sameeyaan qaabsocodka maxkamadaha degmooyinka, Gobolada, maamul-magaalooyinka  iyo tuulooyinkaba, Iyo sidoo kale in gudiga garsoorku uu si joogta ah u shiro una qiimeeyo geedi socodka shaqooyinka guud ahaan.

Ugudanabayna afhayeenka Golaha xildhibaanada ahna  gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa halkaa ku sooxidhay kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada  sanadka 2008 TI isagoo golaha kuladardaarmay in lasii labo jibaaro shaqooyinka dhanka horumarka si jigjiga loogadhigo Honkong.

Comments are closed