Mashiinada Beeraha Lagu Gooyo ’’Compain Harvest’’ Oo si tijaabo ah Loo gaadhsiiyay Beeralayda Lafo-Ciise

cagafjigjiga (ESTV) 14/07/2016

Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo u taagaan sidii looga midho dhalin lahaa waxsoosaarka beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ayaa u soo iibiyay beeralayda deegaanka Mushiinada looyaqaano compain harvest oo loogu talagalay in lagu jaro islamarkaana lagu kalahaadiyo dalgyada qamandida iyo bariiska.ayaa maanta tijaabo loo geeyay beeraha lafa ciise si loogala wareego qandaraaslihii soo iibiyay qalabkan loona ogaado tayadooda iyo qaab shaqeedkooda waxayna qalabkan ka shaqayn doonaan dhamaan beeraha deegaanka

gfHadaba kusimaha G/Wadeenka G/socodka Fidinta Beeraha iyo Farsamooyinka Casriga ah ahna iskuduwaha waaxda ee xafiiska horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  mudane Abshir Cilmi Shariif oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay  in mashiinadan uu soo iibiyay xafiisku islamarkaana loogu talagalay in looga faiidaysto gooynta, jarida kalahaadinta dalagyada beeraha ee bariiska iyo qamandida. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in mashiinadani ay yihiin kuwa ushaqaynaya si warshad ahaan islamarkaana ay goynayaan oo ay kalahaadinayaan dalaga.

Ugudanabayna wuxuu xusay in mashiinadan casriga ah ee looyaqaano Combain Harvest aytiradoodu dhantahay 6 mashiin oo dhamaystiran. Wuxuuna carabka ku dhuftay in ay yihiin mashiino aad muhiim ugu ah beeralayda beerata bariiska iyo qamandida kuwaas oo uu waxtarbalaadhan uyeelan doona islamarkaana ay kaga baxayaan baahidii kahaysatay dhanka mashiinada noocan ah.

Comments are closed