Abaalmarintii Geela Qurbajoogta DDSI Sawirro & Warbixin Xiiso leh

v6Jigjiga (ESTV) 15/07/2016

Qurbajoogta DDSI oo tartamo kala duwan oo loo qabtay kulan weynihii 7aadka Qurbajoogta oo ka dhacay magaalada jigjiga xaruunta maamulka ddsi waxeyna gaadheen Xerada Garabcase iyo mida Shaalaqe Mahadsoofe ee tababarka Ciidanka Liyuuboliska Dhexdooda Sifa loo  kugudoonsiyo Geelii Ay kutartameen Qurbajoogta DDSI Udhalatey ee kakala timid 5 Qaaradood ee Daafaha Dunida.

Geela Lagu tartamayey oo tiradiisu aheyd 36 Neef iyo 4 nirgo yaryar ah oo midwalba uu Raacayo Hashii Dhashey Dhinacey Marto Ayaa Loogu Kala guuleystey Sida tan.

Tartanka oo ahaa Labaqeybood oo Kala ahaa A_Dhaantooyin iyo Su’aalo kusaabsan Dhaqankii Soojireenka ahaa iyo magacyadii La isticmaali jirey kana koobnaa 3 qeybood oo kala ahaa A- Xoolaha ladhaqdo oo 20 su’aalood ah
B-Dhinaca cimilada oo kakoobnaa 10 su’aalood
C-Dhinaca guryaha oo kakoobnaa 10 Su’aalood

Qeybtii Koobaad ee tartanka oo aheyd dhinaca Dhaantada Waxaa kaalinta1aad Gashey Qaarada yurub oo kuheshey 1o neef oo geela
2-kaalinta labaad Waxaa gashey Waqooyiga America oo kuheshey 5 Neef oo geela
3_ kaalinta 3aad Waxaa gashey Africa oo kuheshey 3 neef oo geela

Qeybtii 2aad ee tartankii qurbajoogta oo aheyd su’aalo 40 ah Waxaa
1_kaalinta 1aad waxaa gashey Qaarada Africa oo kuheshey 10 neef oo geela
2-kaalinta 2aad Waxaa gashey Qaarada Austrailia oo kuheshey 5 neef oo geela
3-kaalinta 3aad Waxaa gashey Aisia oo kuheshey 3 neef oo geela

Isku Soo duuduub guud ahaa tartanka waxaa kaalinta 1aad gashey Qaarada Africa 13 neef iyo nirig
Kaalinta 2aadna waxaa Gashey qaarada yurub 10 neef
Kaalinta 3aad waxaa galey waqooyiga america iyo Austrailia oo midkiiba heley 5 neef iyo nirig
Kaalinta 4aadna waxaa gashey Aisia 3 neef iyo nirig

Tartankii iyo abaalmarintiisiina wuxuu kudhamaadey guul iyo farxad iyo geel Ay qurbajoogtu kuyeelatey DDSI

v14Waxaan ka soo Qeybgalay Masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay Wasiir kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir iyo Wasiir kuxigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahim ayaa halaasi ku gudoon siyaay abaal marita ay nasiib u yeesheen Qurbajoogta DDSI oo tartano kala duwan kala dhaxmaray.

Qaar kamid ah Qurbajoogta DDSi ayaa Warbaahinta DDSI u sheegay in ay aad ugu Faraxsan yihiin in Xukumadda DDSI ay sida Wanaagsan ay u soo dhaweysay Taaso ay sharaf u tahay in ay dalkooda hooyo sida sharafta leh loogu soo dhaweeyay

v1v2v3v4v5v6v7v8v9v10v11v12v13v14

Comments are closed