Masuuliyiin & Qurbajoog DDSI ee UK oo Booqday Maanta Tuulada lafa-Ciise Awbare

uk1Lafaciise (ESTV) 16/07/2016

Waxaa magaalada Jigjiga xarunta Maamulka DDSI ku sugan Qurbajoogta DDSI u dhalatay Deegaanka oo Shanta Kharadood ee caalamka ka kala yimid, Xukumadda DDSI Ayaa waxey marti galisat 2500 Qurbajoog u dhalatay Deegaanka Somalida Itoobiya Sifa ay uga Soo qeybgalaan Xuksa 7aadka qurbaoogta DDSI kaaso xaeyto lasoo Xiray.

uk2Waxaa Saaka Masuuliyiin uu Hogaaminayo wasiirka Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinaasir Maxamed iyo wasiir kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir iyo Maareeyaha Wakaalada Iskaashatooyinka dhisida iyo Kobcinta  & dabagalka Mudane Jamaal Cismaan Qorane iyo Masuuliyiinta Jaaliyadda DDSI Ee UK ayaa gaadhay Tuulada Lafaciise oo ka tirsan Degmada Awbare.

Qurbajoogta DDSI ayaa waxey Qeybweyn ka Qaataan Dhanka Maalgalinta deegaanka hadaba Mudane Cismaaciil Cismaan oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda DDSI ee UK ayaa maalgalin ku sameeyay sida Muuqaalka Sawirada aad arkeysaan.

Waxaa halkaasi Warbaahinta kula hadlay Wasiirka Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinaasir Maxamed oo Sheegay in uu aad ugu farxsan yahay in jaaliyadda DDSI Ee UK ay dadaal balaadhan ay sameeyeen dhanka maalgalinta iyo wacyogalinta Nabadgalyada iyo maamulka Suuban.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir oo aad ugu faraxsan Sida Qurbajoogta u dhalatay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ay dowr-weyn ka qaatay dhankasta oo hormar ah oo ay magac weyn maanta ay ku leeyihiin dalkeena itoobiya sida RW uu sheegay loona baahan yahay in ay dadaalka sii laba laabaan.

uk3Ugu Dambeyntii Gudoomiyha Jaaliyadda DDSI Ee UK Mudane Cali taqal ayaa aad ugu Farax san Sida jaaliyadda DDSI ee UK ay Markasta ay tahay Hormuudka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya

Comments are closed