Xaflad loo Qabtay Xildhibaanada DDSI & Qurbajoogta DDSI oo lagu Qabtay Barxada Qaryaan dhoodaan Jigjiga

u13Jigjiga (ESTV) 16/07/2016

Xaflad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday barxada wayn ee qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka. Xafladan casho sharafta ah oo ahayd mid laba  geesood ah ayaa waxa loogu talagalay in lagu soo xidho kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada DDSI islamarkaana lagu sagootiyo qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgashay kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI.

u10Xafladan casho sharafta ah ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinti xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, golaha kabineega DDSI, xildhibaanada DDSI, qurba joogtan la sagootinayay, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba marti sharaf kale.

ugaas1Haddaba xafladan oo ay kooxaha fanka iyo suugaantu ku soo bandhigayeen heeso  iyo dhaantooyin aad loola dhacay ayaa waxaa ugu horayntii lagu soo bandhigay dhukumantiri filim la hadlayay sidii ay ku aas aasantay kooxa alqushaash dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada iyo waliba sida ay uga been abuurayaan  diinta islaamka dhukumantari filimkan ayaa  si wayn uga qiiraysiiyay  dadwaynihii ka soo qaybgalay xafladan. Dhanka kale intii ay  xafladu socotay  waxaa lagu soo bandhigay  riwaayad kooban oo ka turjimaysa macnaha  kooxdii gabalkeedu dhacay ee SSI iyo dabeecadihii ay la haayeen.

u1madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan  ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka soo jeediyay khudbad uu kaga hadlay ujeedooyinka xafladan casha sharafta ah iyo dadaalada  balaadhan ee ay qurba joogta DDSI ka wadaan dhamaanba qaaradaha aduunka. wuxuuna sheegay madaxwayne  in day kaalin miisaan culus ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta hawlaha horumarka iyo  nabadgalyada ka hirgalay deegaanka.

 

u17Gabagabadii  xafladan ayaa  shahaadooyin sharaf  la gudoonsiiyay qurba joogta ka kala socotay qaaradaha aduuna  waxana  gudiinsiiyay  madaxwayna DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  waxaa kaalinta 1aad galay qurba joogt DDSI ee waqooyiga America, kaalinta 2aad waxaa galay jaaliyada  Australia halka ay kaalinta 3aad gashay qurba jaaliyada DDSI ee UK

u8

Comments are closed