Fiiq (ESTV) 21/07/2016
Wafdiga Qurbajoogta Ayaa Shacabka Tuulada Dudumacad Siweyn ugu soo dhaweeyay Wafdiga Qurbajoogta Ayaa Booqday Mashuur Biyo galin ah uu ka wado Xafiiska Biyaha DDSI uu ka hirgaliyay dudumacadka oo ka tirsan degmada Fiiq Xarunta Maamulka Gobolka Erer.
Wafdigan ayaa Sidoo kale Siweyn loogu soo dhaweeyay Xarunta maamulka Gobolka Erer ee Degmada Fiiq oo shacabka Degmada kaga horyimid dusha magaalada Fiiq uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed xaaji iyo Gudoomiyaha Degmada Fiiq Mudane C/qaadir maxamed xasan iyo Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada degmada.
Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane axmed Xaaji iyo Gudoomiyha Degmada Fiiq mudane C/qaadir oo uga warbixiyay Xaalda Guud ee Gobolka iyo Degmada Wafdiga Qurbajoogta ayaa uga mahad celiyay Sida Sharafta leh ee loogu soo dhaweeyay Degmada Fiiq
Comments are closed