Waxaa saaka hoolka shiraraka ee mm jigaga ka furmay kal fadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada jigjiga.
Hadaba Afhayeenka Baarlamaanka Maamulka Magaalda jigjiga mudane Axmed Saalax Nuur oo ugu horayn cadeeyay in uu buuxo coromku islamarkaana furay kal-fadhiga ayaa soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin:- dhagaysiga warbixintii waxqabadka 12ka bilood ee 2008TI, Dhagaysiga sanad miisaaniyadeedka 2009TI iyo ansixinteeda, iyo waliba Ansixinta bayaanka waaxda Sargaalka dhismaha (hinsashoom)
Dhinacakale, Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed ayaa golaha u soojeediyay dhamaan warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedka 2008 TI isagoo mid mid ugu soo bandhigay dhamaan qorshayaashii u qorshaysnaa m.magaalada iyo siday u fuleen. Kadibna Xildhibaanada ayaa codbuuxa ku ansixiyay warbixintii waxqabadka MMJ ee sanadmiisaaniyadeedka 2008TI.
Sidookale Madaxa maaliyada maamulka magalada jigjiga mudane Axmed saalax xuseen ayaa isna dhankiisa soojeediyay miisaaniyada 2009TI ee looqoondeeyay maamulka magaalada jigjiga iyo waliba sida loogu jajabiyay xafiisyada MMJ miisaaniyadaasoo cadakeedu yahay 190,32,977.00 (boqol iyo sagaashan milyan sodan iyo labo kun sagaalboqol todoobaatan iyo todobo birr)
Ugudanbayna xildhibaanada maamamulka magaalada jigjiga oo dood iyo falaqayn badan kasameeyay dhamaan ajandayaasha ayaa cod buuxa ku wada ansixiyay dhamaan ajandayashi lasoo hordhigay.
Comments are closed