Wasiirka howlaha guud iyo guryaynta eePuntland- Soomaaliya , Cabdirashiid Maxamad Xirsi ayaa xariga ka jaray dhismaha dabakh casri ah oo Bangiga Iftin uu ka furtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Xafladda xarig jarista ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, maamulka Bangiga Iftin, Ganacsato, odayaal, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
Maamulaha Bangiga Iftin ee Gobalka Mudug, Burhaan Axmed Nuur oo munaasabada ka hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay u jeedka dhismaha Iftin ee Magaalada Gaalkacyo iyo waxyaabaha ay qaban doonto.
”Gurigaan wuxuu ka mid yahay guryo laga dhisay Puntland,Iftin Group na ay ugu talagashay iney kaga shaqayso qeybo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iftin Financial services,Iftin Bank iyo Iftin Remittance”, ayuu yiri Burhaan Axmed Nuur.
Cabdixakiin Axmed Xaashi oo ka mid ah boorka aasaasayaasha Shirkada ayaa sheegay iney Xawaalada ka gudbeen oo Bangi u gudboon,isagoo xusay iney soo kordhinayaan adeegyo kala duwan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan.
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa soo dhaweeyay dhismaha Bangiga Iftin uu ka furtay Magaalada Gaalkacyo,isagoo xusay in Bulshada Gobalka Mudug ay aad ugu baahnaayeen.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa Maamulka Shirkada Iftin ku amaanay howlaha Maalin-galinta ah ee ay ka samaynayaan dhamaan deeganada Puntland.
Baqtiyaa Nasiib
Furitaanka ka dib Maamulka Bangiga Iftin ayaa Barnaamij Baqtiyaa Nasiib ah u qaybtay dadkii ka soo qayb galay waxaana ay ku guulaysteen moobeelo,Lap top-yo,Barafuuno iyo Hadiyado kale oo qaali ah.
Dhawaan ayay ahayd markii si la mid ah Iftin Bank xarun casriya oo tan la mid ah uu xariga uga jaray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) halka mar sii horeysay Iftin Bank Bosaso xariga laga jarey, Waxayna taasi muujinaysaa horumarka iyo xawaaraha Shirkada Iftin ku talaabsanayso.
Comments are closed