Dowlada Kenya iyo Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay wada saxiixeen heshiis la xariira ganacsiga u dhaxeeya labada dhinac iyo waliba isdhexgalka bulshada!
Xiriirkan ganacsi ayaa la sheegay in lagu dhiiri gelin doono in sare loo qaado ganacsiga isaga gudba xaduuda Kenya iyo Soomaaliya, xili dowlada Kenya ay sheegtay inay dhawaan dhisi doonto Darbi ay ku xireyso xaduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya iyo inay dib u celineyso qaxootiga Soomaalida.
“…Ganacsiga labada dhinac oo la xoojiyo wuxuu sidoo kale uu ka qeyb qaadan doonaa dhinaca Amniga…” ayuu yiri Madaxa Guddoomiyaha Ganacsiga ee Kenya Mr.Kittony.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in sare loo qaado ganacsiga xorta ah ee labada dhinac isaga kala goosha isagoona sheegay in heshiiskan uu ahmiyad gaar ah oo dhanka ganacsiga ugu fadhiyo maamulka Jubbaland.
Comments are closed