40-Qof ayaa ku dhimatay Pakistan Weerar bambaano oo lagu qaaday Isbitaal ku yaal Quetta

pakistanPakistan (NN) 08/07/2016

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay qarax saaka oo isniin ah lala beegsaday isbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan.

 

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid uu geystay qof isa soo miidaamiyey ayaa lala beegsaday qeybta gurmadka degdeg oo xiligaasi la keenay meydka nin Qareen ah oo saacado kahor la khaarijiyey, waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa Qareeno badan iyo qoyska marxuumkaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 50, iyadoo la filayo in dhimashada ay sii kororto.

Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay inay weerarkan ka danbeysay, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa lagu yaqaan kooxda TTP ee Talibanka Pakistaan.

Comments are closed