Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay maanta oo Isniin ah ay labo qof oo ajaanib ah ka afduubteen magaalada Kabul ee caasimada Afghanistan.
Rag ku labisan dareeska ciidamada ayaa la sheegay inay gaarigii ay saarnaayeen kala degeen labadan macalin oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Australia.
Taliska Booliiska Afghanistan ayaa xaqiijiyey afduubkan iyagoo sheegay inay weli wadaan baaritaan, ma jirto cid weli sheegatay afduubkan iyadoo laga cabsi qabo kooxda Talibanka oo inta badan ugaarsata ajaanibta ku sugan wadankaasi.
Asbuucii lasoo dhaafay ayaa weerar lagu qaaday koox ajaanib dalxiisayaal ah lagu dhaawacay 7 qof.
Comments are closed