Dowlada Ruushka ayaa qiratay inay lahayd diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone oo si kadis ah usoo galay hawada Isra´iil.
Isra´iil ayaa sidoo kale diyaarad nooca dagaalka ah u dirtay inay soo rido Droneka oo kasoo galay dhanka wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya, balse diyaaradaha dagaalka ee Isra´iil ayaa laftooda soo ridi waayey drone-kaasi.
Xukuumada Isra´iil ayaa markii hore ku eedaysay diyaaradaasi Droneka inay lahayd kooxda dagaalka kala dhaxeeyo ee Xisbullah oo iyagu hada ku sugan qeybo kamid ah wadanka Siiriya, balse Axadii shalay ayey dowlada Ruushka sheegtay inay iyadu lahayd diyaaradaasi, Moscow ayaa sheegtay in diyaarada si aan ku talo gal ahayn kusoo gashay hawada Isra´iil.
Balse waxaa la rumeysan yahay in Ruushka uu doonayey inuu tijaabiyo awooda gantaalada Difaac ee Patriot oo uu Maraykanka ugu deeqay Isra´iil.
Comments are closed