Nogob News
Wararka DDS
Wararka Caalamka
News in English
Nogob News
Madaxweynaha Somalia Oo Maanta Tagay Jigjiga Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay
Jigjiga ( ESTV) 10/07/216
Madaxweynaha Somalia Xasan Maxamuud Oo Gaaray Magaalada Jigjiga Xaruunta Maamulka DDSI Ayaa Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay, Waxaana Garoonka Uga Hortagay Xubno Uu Ka Mid Ahaa Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga (XDSHSI) Mudane Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxa Xarunta Dhexe XDSHSI Mudane C/casiis Maxamed Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiin Cigaal Cumar, Wasiirka Ganacsiga DDSI Mudane Khadar Abdi Ismaciil iyo Mas’uuliin kale
Booqashada Madaxweyne Xasan Uu Maanta Ku Tagay Jigjiga Ayaa Lagu Sheegay In Ay Tahay Sidii Uu Kulammo Ula Yeelan Lahaa Mas’uuliyiinta Maamulka DDSI; Iyadoo Markii Uu Tagay Magaalada Jigjiga Isla Markiiba Kulan Irduhu U Xiran Yihiin La Galay Madaxewynaha DDSI.
Wararka Laga Helayo Magaalada Jigjiga Ayaa Sheegaya In Madaxweyne Xasan Iyo Cabdi Maxamuud Ay Kulankooda Kaga Hadlayaan Arrimo Dhowr Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin; Ammaanka, Xiriirka Labada Maamul U Dhexeey Iyo Ganacsiga Isku Xidhka Socdaalka Hawada Iyo La Dagaalanka Argagixisada Iskaashiga Dhanka Waxbarashada. Inkatsoo Aan La Ogeyn Inta Maalmood Ee Uu Madaxweyne Xasan Joogayo Jigjiga, Iyadoo Ay Tani Noqonaysaa Booqasho Taariikhi ah in dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ay noqotay Deegaan laga Cashir qaato dhanka Maamul wanaaga.
Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Booqashada Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wafdigiisa Ay Maanta Ku Tageen Magaalada Jigjiga Waxaad Kula Socon Kartaan Wararka Soo Socda Ee NogobNews Haddii ALLE Ogolaado.
Comments are closed
Comments are closed