Ruushka ayaa gantaalada casriga ah ee S-400 ku rakibey gacanka Crimea ee ay kala wareegeen dalka Ukraine. Sidoo kale Ruushka ayaa ku hanjabey in ay Ukraine u goynayaan xiriirka Diblomaasiyadeed.
Ruushka ayaa ku eedeeyey dowlada Ukraine in kooxo qaab jabhad ah u dagaalama ay keentay jasiirada Crimea kuwaasi oo burbur u geystay xarumaha muhiimka ah sida Korontada iyo Isgaarsiinta, weeraradaasi oo la sheegay inay fuliyeen sirdoonka Ukraine.
Militariga Ruushka ayaa todobaadkan dhoolatus weyn oo ciidamada bada ah ku sameeyey gacanka Crimea oo ay ciidamada badda Ruushka saldhigyo waaweyn ku leeyihiin, waxaana lagu soo waramayaa in jasiiradaasi lagu xoojiyey ciidamo horleh oo ka yimid Ruushka iyo waliba gantaalada lidka diyaaradaha.
Dhaq dhaqaaqa ayaa lagu soo beegmay maalmo kadib markii kulan dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Turkiga ee Tayyib Erdogan. Turkiga oo kamid ahaa isbaheysiga NATO ee sida weyn isha ugu haya dhaq dhaqaaqa Ruushka ka wado bada madow, wadankaasi Turkiga ayaa hada u muuqda inuu xiriir dhaw lasii yeelanaya Ruushka oo dhinaca kale dadaal ugu jira siduu uga gaashaaman lahaa awooda NATO oo saldhiyo cusub ka sameystay dalalka bariga Yurub.
Comments are closed