Waxaa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan si rasmi ah uga bilawday Munaasabad lagu maamusayo Guusha ciidanka gaar ka ah ee liyuu- boolis ee ay ku soo gunaanadeen kuna soo afjareen ururadii argagixisada ahaa ee UBBO iyo wixii lahalmaala.
Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ah marti sharafta khaaska ah oo uu ugu horeeyo madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Geberalka guud ee ciidanka qaranka qaybta kunfur Bari General Abrahum wolde-mariam, major general Maxari Sodhe, mojor general Ibrahim Jalil oo kasocda wasaarada gaashaan dhiga JDFI, Generaalka Guud ee ciidanka gaarka ah ee liyu polis mudane General Craxmaan Cabdulaahi Buraale, Golaha wasiirada, odayaal dhaqameed, heerarka kalauwan ee shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, qurbojoog, dhalinyaro, dhamaan saraakiisha ciidanka gaar ka ah ee liyuu poliska iyo martisharaf kale.
Sidaas darted, munaasabada ayaa wakhti xaadirkan ka socota hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.
Comments are closed