Xaflad lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada oo shalay galab ka dhacday Garissa

2016813636066548455092752k1Gaarisa (NogobNews) 13/07/2016

Waxaa shalay lagu qabtay galab gaabadkii degmada Garissa ee waqooyi-bari Kenya xaflad lagu maamuusayay dhallin yarada degmadaa ayadoo ay ku beegnayd Maalinta Dhallinyarada Caalamka oo shalay loo asteeyay.

2016813636066548599492060k2Waxaa xafladaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin badan oo maamulka degmadaa ka tirsan. Waxaa sidoo kale soo camiray dhallinyaro badan.

2016813636066550919964129k9Xaflada ayaa waxaa soo qabanqaabisay  Faaduma Kinsi Cabaas  oo ah  haweeney u ololeysa xaxuuqda gabdhaha islamarkaana ah haweeney usharaxan kursiga dumarka ee degmada Garissa doorashada 2017.

2016813636066550703009062k8Dalka Kemya iyo dalalka gobolka oo dhan iyo meelo kale oo badan oo caalamka ah yaa shalay lagu qabtay xaflado ceynkaa ah oo lagu sharfayay dadaalada aan ka go’a lahayn ee dhallinyarada caalamka.

Comments are closed