Daawo U.S: Imaam Masjid iyo Saaxiibkiis ayaa lagu diley New York City – VIDEO

newsyorkNew-York (NogobNews) 14/07/2016

Nin Imaam ka ahaa Masjid ku yaala magaalada New York iyo saaxiibkiis oo markaas la socdey ayaa nin hubeysan madaxa ka toogtey maalintii shalay ee Sabtida xilli ay ka soo baxeen salaadii duhur.

 

Dad arkaayey markii toogashadu dhacaysey ayaa warbaahinta u sheegay in dilku ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Al-furqaan Jama Masjid ee uu Imaamka ka ahaa qofka la diley saacaddu markey ahayd 1:50 p.m xiliga New York, sida uu qoray wargeyska New York Daily News. Labada nin ee la diley ayaa la helay iyaga oo dhiig badan ka baxay, waxaana labadoodaba laga toogtey madaxa.

Imaamka ayaa lagu magacaabi jirey Shiikh Maulama Akonjee waxaana uu ahaa 55 jir halka saaxiibkiis uu ahaa 64 jir lagu magacaabo Tharam Uddin.

Booliska ayaa sheegay in aan la qaban qofka dilka geystey, welina lama garanayo sababta uu dilka u geystey, sida uu sheegay telefishanka CBS 2. Booliska oo aan weli qaban ninkan ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu rumeysto in Imaamka iyo saaxiibkiis loo diley in ay ahaayeen Muslim darteed, waxaana ninka dilka geystey ugu yeereen, mid keli ku ah falkiisa iyada oo aan wax baaritaan ah dhicin weli.

Gabar uu dhalay Imaamka la diley Naima Akonjee ayaa sheegtey aabaheed iyo Uddin oo ah ninka lala diley in ay saaxiib dhaw ahaayeen markastana Masjidka u wada lugeyn jireyn, waxaana ay ahaayeen deris. Naima Akonjee ayaa sheegtey in aysan jirin cid aabaheed uu denbi ka galay ama ay colaadi u dhaxaysey.

liberty14n-3-web

Dad ka caraysan dilka oo isugu soo baxay xaafadda Queens ee New York

Jaaliyadda Muslimiinta Bangladesh ee ku xirnaa Masjidka uu Imaamka ka ahaa Imam Maulama Akonjee, ee Al-Furqaan ayaa doonaya in toogashada dhacdey loo arko mid ku salaysan NACAYB. Dad ka badan 100 qof ayaa isla shalay isugu soo baxay halka dilku ka dhacay meel ku dhaw waxaana ay dalabadeen caddaalad.

Khairul Islam oo ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatey banaanbixii looga so horjeedey dilka ayaa warbaahinta u sheegay in ay aaminsan yihiin in dilkaan  ay ka danbeyso islaam nacaybka uu abuuray Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Comments are closed