Qurbajoog u dhalatay Gobolka Erer ayaa waxey Booqasho Ku tageen Gobolka Erer waxeyna soo kor meereen qaar ka mid ah mashaariicyada Gobolka laga hirgaliyay Qurbajoogta Ayaa waxaa hogaaminayay Ugaas xasan iyo Gudoomiye Kuxigeen jaaliyadda DDSI Ee wadanka Australia Mudane Sheekh xasan iyo Waqooyiga America iyo south africa.
Qurbajoogta ayaa waxey Booqdeen degmada Cusub ee Gobolka Erer ee Xayoob waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Shacabka Degmada Qurbajoogtan ayaa ah Qurbajoogtii ugu Horreysay ee Degmada Cusub ee Booqata markii shirweynihii qurbajoogta u soo xirmay.
waxey kulan kala qaateen Shacabka degmada Hoolka Shirarka Degmada Yaxoob Masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo iyo Qurbajoogta Waxey isla qaateen sidii qurbajoogta Gobolka Erer iyo gaar ahaan Degmada Yaxoob loo soo maalgashan lahaa taasoo ka banan Fursado maalgashi ah.
Gudoomiyaha Gobolka Erer ayaa Bulshda Degmada u sheegay in xukuumadda DDSI ay dhawaan ansixiyeen Miisaaniyada degmada Yaxoob 20-malyan oo Birr waxaa siweyn u soo dhaweeyay Shacabka degmada waxaa kaloo uu sheegay gudoomiyha Gobolka Erer in ilaa 300-qof iyo in kabadan Xukuumadda Ay shaqaaleyn doonto shacabka degmada looga baahan yahay dhamaan adeegyada ay xukuumadda ay ka fulineyso degmada ay ka faaideystaan.
Waxaa kalo0 halkaasi ka hadlay Sheekh xasan oo ka mid ah Qurbajoogta Australia oo Qeybweyn ka Qaatay Taageero lacageed oo lagu bixin in degmada Yaxoob ay Qurbajoogta Degmada in ay soo dhisaan Xaruun Caafimaad iyo Xaruun waxbarasho oo sheekh Xasan oo ka mid ahaa Qurbajoogtii Australia ugu horeeyay ee Bixiya $1000 doolar oo lacag ah ugu deeqay degmada isla markaana ka Qeybqaatay Abaabulka.
ugu dambeyntii Shacbaka degmada ayaa soo dhaweeyay Qurbajoogta waxeyna ka codsadeen in ay soo dhistaan degmada kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo farxad
Comments are closed