Kulan Lagaga Hadlayay Dardargalinta Horumarka Iyo Arimaha Xisbiga Oo ka Dhacay Degmada Awbare.

1.Awbare (ESTV) 16/07/2016

Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaaada Awbare ee xarunta degmada awbare kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka, nabadglaya, maamulka suuban iyo barnaamijyada arimaha XDSHSI

Kulankaa ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay gobolka faafan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka faafan, masuuliyiinta maamulka degmada awbare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada awbare   , iyo qaybaha kala duwan  ee ku  dhaqan magaalada awbare iyo tuulooyinka hoosyimaada degmad awbare .

Kukankaa ayaa  waxaa ugu horayntii ka hadlay  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaamis oo sheegay in ay ujeedada kalankani tahay mid lagu sii xoojiyo hawlaha horumarka iyo arimaha xisbiga wuxuuna sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshadu yihiin hirgaliyayaasha  iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka nabadglyada loogana baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaalintooda.

2.Dhankiisa gudoomiyaha degmad awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo ka hadlay kulanka ayaa sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI ee ka salaysan tir tirida saboolnimada iyo hirgalinta koboca dhaqaalaha iyo  tabaha  fulineed ee lagu hirgalinayo qorshayaasi. Gudoomayaha ayaa tilmaan ka bixiyay  qaybaha kala duwan ee bulshada doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlahaasi.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay kulankan lagu dar-dargalinayo horumarka iyo arimaha xisbiga waxayna hoosta ka xariiqeena in ay dhankooda sii xoojinayaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka.

Comments are closed