Qurbajoogtii Gaashaamo Oo Kahadashay Kulankii

maJigjiga (ESTV) 16/07/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan hogaan kuxigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak iyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore ayaa kulankii maanta hadalka siiyay qurbajoogta kasoo jeeda degmada gaashaamo si ay aragtidooda uga dhiibtaan.

ma1Hadaba, qurbajoogtii kakalatimid dacalada dunida ee kasoo jeeday deegaankan soomaalida itoobiya khaasatan degmada gaashaamo oo isugu jira suldaamo, ugaasyo, aqoonyahano, caaqilo, waxgarad, dhalinyaro, culimo-awdiin rag iyo dumarba leh iyo marti sharaf kale ayaa kahadlay kulankii ay layeesheen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyagoo ugu horayn kamahad-celiyay qaabilaadii diiranayd iyo fursada qaaliga ah ee lasiiyay. Waxayna sheegeen inay diyaar uyihiin kaqaybqaadashada horumarka balaadhan iyo nabadgalyada kahanaqaaday deegaanka.

ma3Sidoo kale qurbajoogtan ayaa hoosta kaxariiqay inay xukuumada kala-shaqaynayaan hirgalinta saraynta sharciga iyo ladagaalanka fikirada cidhiidhiyan iyo arimaha argagixisada oo uu ugu horeeyo ladagaalanka ganacsiga sharci darada ah iyagoo wacyigalin balaadhan kasamayn doona gaar ahaan dhinaca xuduuda gaashaamo. Waxayna si wayn oo ay farxadi kudheehan tahay usoo dhaweeyeen socdaalka uu madaxwaynuhu kutagi doono degmada gaashaamo. Qurbajoogta ayaana xaqiiqsatay in qaabkii ay udhacday xaaladii gaashaamo aysan ahayn sidii ay iyagu uqaateen balse ay ahayd mid lagaga gardaraa ciidamada iyagoo balanqaaday inay wada hadalkan wanaagsan ay ugudbin doonaan qurbajoogta intaan imanin islamarkaana ay hiil iyo hooba lagarab istaagi doonaan xukuumada DDSI.

ma4Dhanka kale madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo dhaweeyay isbadalka aragtida qurbajoogtan udhalatay deegaanka . wuxuuna kamahad celiyay imaanshahoodo iyo kulanka ay wada yeesheen isagoo su’aalo iyo talo-bixin dhanka horumarka iyo maalgashiga ah ay kawaydiiyeena si faahfaahsan uga jawaabay islamarkaan kula-dardaarmay in inta ay joogaan qurbaha ay xooga saaraan barashada dhanka xirfadaha. Madaxwaynaha ayaana fariin udiray dhamaan qurbajoogta kasoo jeeda degmada gaashaamo ee kusugan dacalada dunida inay yimaadaan dalkooda hooyo islamarkaana ay ka qaybqaataan horumarka laxaadka leh ee deegaankoodu kutalaabsaday.

Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo aragti midaysan oo kudhisan sidii horumar waara oo aan dib u noqosho lahayn lagu gaadhi lahaa islamarkaana looga guulaysan lahaa cadawgeena koobaad oo ah saboolnimada.waxayna qurbajoogtu halkaa kugudoonsiiyeen madaxwaynaha hadiyad qaali ah.

Comments are closed