Madaxweyne Cabdi oo kulan Layeeshay Qurbajoogta Gobolka Jarar

jrr1Jigjiga  ( ESTV) 17/07/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Hogaan kuxigeenka xafiiska Nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak ayaa qurbajoogta udhalatay DDSI ee kasoo jeeda Gobolka Jarar kulan kulayeeshay galinkii danbe ee maanta Hoolka shirarka muhiimka ah ee xarunta madaxtooyada.

jrr222Qurbajoogtan Gobolka Jarar oo socdaalo kusoo gaalaabixiyay degmooyinka gobolka Jarar ayaana ugu hoayn kawarbixiyay waxqabadyadii kaladuwanaa ee ay indhahooda kusoo arkeen oo ay kamid ahaayeen mashaariicihii waawaynaa ee kasocday guud ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar gaar ahaan mashruua biyo-xidheenka qabalaha Hoodaale, mashruuca biyo-galinta birqod ilaa gaashaamo, mashaariicaha biyo xidheenada waawayn ee goomaar iyo baka, warshada wayn ee laydhka dhagaxbuur, ceelasha dhaadheer ee laga qoday yoocaale, awaare iyo ceelasha gunagado ee biyahooda lamacaaneeyay oo ay runtii aad uladhaceen iyo waliba waxqabadyada ay kamidka yihiin dugsiyada hoose, hoose-dhexe, sare, hospitaalo, xarumo-caafimaad, goobo-caafimaad. Iyo waliba wadooyin iyo buundooyin laga hirgalayay dhamaan degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay. Waxaa kale oo ay intaa kudareen in nabadgalyada deegaanku ay tahay 100/200 oo dhamaan goobihii ay socdaalada kumarayeen aysan wadanin wax ciidan ah. Waxayna soo jeediyeen talo-bixino muhiim ah.

jrr33Si dookale, qurbajoogta ayaa kawarbixisay kaalinta waxqabad ee ay kadal ahaan iyo kadeegaan ahaanba ay kuleeyihiin dhanka horumarka iyagoo xusay inay kaqaybqaateen iibsiga Bondhiga wabiga abaay, bixinta qaaraan bileedka XDSHSI iyo Ururka horumarinta soomaalida Itoobiya, maalgalinta 6 gabdhood oo deegaanka ah, kaqaybqaadashada shirarka qurbajoogta, sooxaraynta xubno nabad diid ahaa iwm. Waxayna balan qaadeen inay xukuumada DDSI iyo XDSHSI lagarab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah iyagoo kamahadceliyay soo dhawayntii diiranayd ee xukuumada iyo shacabkaba islamarkaana carabka kudhuftay inay dhanka maalgashiga kaalin wayn kuyeelan doonaan.

jrr3Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn soo dhaweeyay socdaaladii qurbajoogtu ay ku gaalaabixiyeen degmooyinka gobolka jarar ayaa sheegay in muhiimada looga gon lahaa socdaaladani ay ahaayeen in qurbojoogtu indhahooda ku soo arkaan isbadalada dhanka horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka islamarkaana ay nolosha lasoo wadaagaan dadkooda dagan ilaa heer tuulo oo ay sanado badan isugu danbaysay iyo inay meesha kasaarto barobagaandhada dadka fadhiidka ah ee aragtida cidhiidhyan kawada qurbaha. Wuxuuna uga mahadceliyay qurbajoogtan wakhtigooda qaaliga ah iyo go’aankooda ay kutageen gobolka isagoo xusay in talo-bixinta ay soo jeediyeen ay gashi u tahay horumarka deegaanka oo laqaatay.

jrr4Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo aragti midaysan oo kusalaysan horumarinta dalka iyo deegaankaba.

jrr44

 

Comments are closed