Kuxigeenka Safiirka Kuuriyada Waqooyi ee dalka UK ayaa lagu soo waramayaa inuu u baxsaday dhinaca dalka Kuuriyada Koonfureed.
Thae Yong Ho iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay hada ku sugan yihiin wadanka Kuuriyada Koonfureed oo magangelyo siiyey. Diblumaasigan ayaa la sheegay inay iska horyimaadeen hogaamiyaha xiligan talada haya ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Bishii April ee sanadkan ayaa sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi u baxsaday dhinaca dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana muddooyinkii danbe sare usii kacayey tirada madaxda ka baxsaday dowlada Kuuriyada Waqooyi, kadib markii Kim Jong Un uu isbedalo iyo waliba dilal la beegsaday qaar kamid ah saraakiisha u shaqeysa.
Comments are closed