Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa isku shaandheyn ku sameeyey gudigiisa ololaha doorashada iyo Lataliyayaashiisa.
Isbedalkan uu Trump ku sameeyey guddigiisa ololaha Doorashada ayaa kusoo beegmaysa xili Murashaxa Jamhuuriga ay si weyn hoos ugu dhacday taageeradiisa iyo xog arurinta laga qaaday gobalada waaweyn ee wadanka Maraykanka.
Waa markii labaad oo uu Trump isbedal ku sameenayo hogaanka kooxdiisa ololaha doorashada, wuxuuna bishii June uu xilka ka qaaday gudoomiyihii hore kadib markii ay dacweysay haweenay suxufiyad ah oo uu si xun ulla dhaqmay, wuxuuna xiligaasi magacaabay Paul Manafort oo isagana hada ku socoto baaritaan ku aadan xiriiryo qarsoodi ah oo la sheegay inuu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Ruushka iyo xukuumadii hore ee Ukraine.
Comments are closed