Kooxo hubeysan ayaa afduubtay Wiil uu dhalay hogaamiyihii burcada wadankaasi Mexico ee El Chapo iyo koox la joogtay xili ay ka casheenayeen goob makhaayad ah.
Wiilkan la afduubay ee uu dhalay El Chapo oo lagu magacaabo Joaquin ‘El Chapo’ Guzman ayaa la sheegay inuu hada kamid ahaa hogaanka sare ee kooxda Burcada ee uu aabihiis hogaamin jiray. Waxaana laftiisa marar badan horey u xiray dowlada Mexico.
Dowlada Mexico ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado afduubkan isla markaana ay hayaan xog la xariirta kooxda ka danbeysa falkan oo laga cabsi qabo inuu bilwo u noqda dagaal dhexmara kooxaha burcada ah ee uu loolanka ka dhaxeeyo.
Dalka Mexico ayey ka jiraan kooxo burcada ka ganacsatada daroogada oo si weyn u abaabulan isla markaana ku loolama suuqa ganacsiga daroogada, tartankan u dhaxeeya kooxahan oo keena dagaal joogto oo ay ku dhintaan kumanaan dad ah sanad walba.
Comments are closed