Daawo Turkiga oo soo jeediyey dhismaha Dowlad dhex dhexaad ah ee Siiriya – VIDEO

turkigaTurkiga (NogobNews) 18/07/2016

Dowlada Turkiga oo hada dib usoo celisay xiriirkii ay la laheyd dalalka Ruushka iyo IRAN ayaa sheegtay inay wado qorshe la doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya.

 

Raysalwasaaraha Xukuumada Turkiga Binali Yıldırım ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhamaan dalalka faraha kula jira Siiriya ay ka shaqeeyaan in ay ka hortagaan in wadanka Siiriya la kala jar jaro, balse laga shaqeeyo sidii lagu heli lahaa dowlad dhex dhexaad u ah dhamaan dhinacyada xukunka isku haya.

Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda in Kurdida Siiriya oo dhul baaxadleh ka qabsaday Waqooyi Siiriya ay halkaasi mustaqbalka uga dhawaaqaan dowlad gooni u goosad ah, taasi oo ay xukuumad Turkida ka cabsi qabto inay gabaad u noqoto kooxaha kurdida oo ay dagaalka kula jirto sida PKK.

Xoogaga ku dagaalamaya Siiriya oo hada kala guuleysan waayey ayaa weli ku dagaalamaya gacan ku heynta magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga wadankaasi, balse Turkiga ayaa hada u muuqda inuu xalka ka raadinayo awoodaha shisheeye ee gacanta siinaya xukuumada Bashar Al Asad ee Ruushka iyo IRAN.

Comments are closed