Kulanwaynihii Waxbarashada Qaranka Oo Socda

wxxo2Adama ( ESTV) 19/07/2016

Waxaa magaalada adama ee caasimada oromiya ka Socda shirwaynihii waxbarashada  qaranka oo ay kasoo qayb galeen 9ka dowlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo  ee uu ka koobanyahay dalku.

wxxo1Waxaana shirwaynahan ka socda magaalada adama hogaaminayay wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane shiferow shikute iyadoo deegaankeena ooga qayb galeen masuuliyiin heer deegaan ah oo Uu ugu horeeyo wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada mudane Cabdinuur Colow, Agaasino, iyo Madaxafiseedyada waxbarshada degmooyinka. Hadaba wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarshada DDSI Mudane Cabdinuur Colow oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in kulan waynahan Qaranka  ujeedadiisu tahay hab socodka iyo waxqabadka waxbarsho ee deegaan walba leeyahay iyo in Loo fuliyay sidii lagu talagalay qorshaha yoolka waxbarasho ee dalku leeyahay.

wxxo3Ugu danbayna waxa uu masuulku sheegay in deegaan walba soo dhigayo waxqabadkiisa waxbarsho ee u Hirgalay 2008 TI iyo sidoo kale caqabadaha deegaan walba uu tabanayo iyo qorshayaasha waxbarasho ee sanada  2009 TI.

Comments are closed