Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada dalka.

FB_IMG_1471760284022JIGJIGA ( ESTV) 20/07/2016

kulan loogu diyaar garoobayo  munaasabada xuska 16aad ee maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya oo sanadkan lagu qabanayo caasimada DDSI ee jigjiga ayaa ka dhacday hoolka shirarka xarunta dhexe ee XDSHSI,

FB_IMG_1471760278684kulankan oo ay hogoominaysay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka Beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiyada u xilsaaran diyaarinta munaasabada xuska  16aad ee maalinta xoolo dhaqatada  oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan iyo masuuliyiint heer fadaraal ah.

FB_IMG_1471760275962Kulankan oo lagu gorfaynayay waxqabadka bilaha ah ee gudiyada kala duwan  ayaa waxa furitaankiisii ka hadashaymadaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDS marwo Sucaad Axmed Faarax waxayna sheegtay in ay sanadkan marti galinayso xukuumada DDSI munaasabada xuska maalinta xoolo dhaqatada islamarkaana loogu jiro diyaar garow balaadhan oo  lagu martigaliyo munaasabada 16aad ee maalinta xoolo dhaqatada dalka. Kulankana uu yahay mid loogu kuurgalayo geedi socodka shaqo ee gudiyada qaban-qaabada.

FB_IMG_1471760289497Kulanka ayaa waxay  gudiyada kala duwan  ee qaban-qaabada munaasabadu ku  soo bandhigeen warbixin tilmaamaysa heerka ay marayso diyaar garowga qaban qaabada lagu martigalinayo munaasabada maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya oo ay markii 16aad martigalinayso xukuumada DDSI.

FB_IMG_1471760273393

Comments are closed