Maalinta la dagaalanka kaneecada ee caalamiga ah -20ka Agoosto

kaneecoMuqdisho (NogobNews) 20/07/2016

Maanta ayay ku beegan tahay 20ka Agoosto waaana maalinta caalamka oo dhan loo asteeyay la dagaalanka kaneecada.

Kaneecada ayaa keenta ama gudbisa xanuuno badan sida cudurka duumada oo sanad walba dad aad u fara badan kulaaya caalamka. Maalintaan ayaa u dabbal dageeda lasoo bilaabay sanadkii 1897.

Waxaa sidoo kale maalintaan oo kale la sameeyaa wacyigalin badan oo kusaabsan sidii kaneecada looga hortagi lahaa.

Waxaa sidoo kale qarash loo uruuriyaa sidii cilmibaaris iyo daraasado dheeraad ah loogu samayn lahaa  cudurka duumada si dabadeed loo dhimo.

Malaariyo ama duumo ayaa waxaa looga hortagaa daawooyin ka hor tag ah oo afka qalaad lagu yiraahdo, anti-malarial.

Waxaa sidoo kale looga gaashaantaa xirashada maro kaneecada ama shandarawooyinka habeynkii markii la seexanaayo.

 

Comments are closed